xiriirka turkeyga iyo soomaaliya – Aragtida dadweynaha
saameynta turkiga ee soomaaliya waa mid aad u kordheysa marba marka ka dambeysa, maxay ku dhamaan doontaa? turkeygy ma noqon karaa sidda beesha caalamka somalia oo kale?
Shacabka Soomaalida badankoodii si wayn ayey usoo dhaweeyaan Turkeyga, Taageero buuxda ayey u haayaan Turkiga. Waxay aaminsan yihiin inuu Turkigu yahay saaxiib dhab ah oo Soomaaliya u garab taagan. Laakiin Somalidu waa xiisoolayaal, Maallin uun siyaasada turkeyga ee Somalia way isbedeli doonaa, Waxaan ka cabsi qabaa in ay dhacdo siddii dalalka Galbeedka Africa, ''Fransiiska ha inaga baxo''.
Xiriirka Soomaaliya iyo Turkeyga waa mid sii xoogeysanaya. Labada dal waxay wadaagaan dano badan oo isku mid ah.
Si tartiib tartiib ah qaar badan oo Soomaalida kamid ah ayaa dhaliila saameynta Turkiga ee Soomaaliya, waxayna ka walaacsan yihiin wadan halis mustaqab ah Somalia u xambaarsan, Laakiin xaqiiqada Alle ayaa og. Wadan saaxib la ah wadan kale caalamka majiro, İxsaan iskaba dhaaf.
Turkeyga waxaa uu somalia kasoo maray xagga gargaarka bani'aadamnim iyo dhinacyada ay Somalida ka jilicsantahay, Tusaale haddii qarax uu dhaco, Si layaab leh saameynta Turkeyg ee somalia way kordheysaa, Diyaarad ayuu soo somalia usoo diraa, Markaas ayey Soomaalida oo dhan soo qoraan ''Waa saaxibka keliya ee Soomaalia''.