maxaad kula talin laheyd – Aragtida dadweynaha
maxaad kula talin laheyd gabar aan hooyo hesan allah yaraxma. guurkana ka baqdo iyado isleh armaad familygaada ka fukaata aanan xariir saameyn ka fikrida in qoyskida ka fugaato ah
Guurka ragg iyo dumarba waa xaalad ay kawada siman yihiin in ay ka baqaan, Waayo qof aadan aqoonin ayaa wadan kale ama magaalo kale, Ama xitaa hal guri kula noolaaneysaa, Waa xaalad stress gaar ah xambaarsan!

Waxaan kuugula talin lahaa, Maadama Hooyo ay dhimatay Allaha u naxriistee, Qofka aad guursaneyso ama aad la xiriireyso in aad si fiican isaga hubiso, Si gaar ah weliba qoyskaaga halka ay dagan yihiin in uu ku dajiyo sharuud waad ka dhigan kartaa.
Waxaan kuugula talin lahaa in aad xasuusato in ninkaaga uu yahay qoyskaaga, Ninkaaga isaga yaa kaaga dhaw ehelkaga haka cabsanin guurka, keliya qof diin leh in uu yahay in uu ku noqdo uun xaggaas ka fiiri, Allena u talo saaro
Sababtaad guurka uga baqato waa in aad isleedahay haka fogaanin qoyskaaga. Xalku aad buu kugu fudus yahay marba haddii aad garanayso waxa aad ka cabsanayso. Xidhiidh sameyso ragana ka xulo dookhaaga iyo ka aad ka hesho kadib guur marka aad ku heshiisaan waa in aad usoo bandhigtaa arrintan una sheegtaa in aadan doonayn in aad qoyskiina ka fogaato kolka waxa ay noqonaysa arrin aad ku heshiiseen.