farriimaha samada ee nolosheenna hagaajinaya waxaa ka mid ah: – Aragtida dadweynaha
1. ha kibrin, maxaa yeelay dhulka ma jeexi kartid, buurahana kuma gaadhid dherer e.

"ragoow kibirka waa lagu kufaaye kaa ha la ogaado"_ismaaciil mire.

2. ha sheegina waxaydaan samaynaynin, alle aad ayuu u neceb yahay labawajiilayntaas, nolosha habboonna hadal laguma dhiso e.

"ma afkaad ku hawlbixi cidlaad ka harjadaysaaye"_salaan carrabay.

3. ha isxamanina waa sida walaalkaa oo aad maydkiisii cunayso e, haddiiba ay dhacdana ha u kala warramina cidda wax xamatay iyo kan la xantay, cidda sidaa samaysa ee kaladilka bulshada ka shaqaynaysaa jannadayda urin mayso e.

4. haddii aad saddex tihiin, labo yayna si gooni ah u sheekaysannin si uuna qofka saddexaad u xumaannin oo ayna caloolfayoobidu u dhimannin.
"rag kaa faqay rafiiq nimaad tihiin talo lagaa reebay
meel aan lagaa rabin indhaha lalama sii raaco"_raage.

5. marka aad guri booqataan oggolaansho waydiista dadka guriga, dabeetana salaama, haddii la idinka furi waayana iska laabta, sidaas ayaa idiin wanaagsane.
6. addoomada iyo carruurta yar yar ee aan qaangaadhin oggolaansho ha idin waydiistaan salaadda subax ka hor, markaad duhurkii dharka iska fudaydinaysaan iyo salaadda cishe ka dib, waa saddex xilli oo cawradiinnu ay bannaan tahaye, kuwa qaangaadhayna jeer walba ha idin waydiistaan oggolaansho. macnuhu waa in aadamigu khusuusiyaad leeyahay, si foolxun oo cawrooyin goor dhow la isku caayo lagu arki karana aan la isu dhex galin.
7. iscaawiya, wax bixiya, garabqabta danyarta, si loo helo bulsho isku tiirsan oo isu diirbaxda. mu'miniinta iimaanku biyo dhigay waa sida hal jidh oo kale oo haddii qaybi xanuunsato jidhka kale uu la soo jeedayo. dareenka bulshannimo dhisa, si taas loo helana isbooqda, qofka xanuunsan booqda, tacsiyaha taga, geeriyaha raaca, jimcayaasha misaajidka isugu taga, ciidaha salaadaha loo jideeyay in la kulmo oo la isnabdaadiyo, cududda bulshadana la muujiyo aada.

"waa la isku wada tiirsan yahay sida tis oodeede"_qamaan.

8. baahidiinna halka si ee aad u gudan kartaan ee ugu fayoobi waa guur, ee reero samaysta oo bulshada dhankiinna ka dhisa. carruurta aad dhashaan ku dedaala, xaasaskiinana wanaag kula dhaqma, sidoo kalena ha hilmaamina jiriddii aad ka unkanteen oo waalidkiin aad ugu wanaag sameeya, weedh xunna ha u quudhina. gaar ahaan marka ay waynaadaanna xil iska saara.

"marka horeba guur waa milgiyo maarsi kala waaye"_cabdigahayr.

9. cadhada qariya, wax cafiya, ballanta oofiya, dadka cawrooyinkooda ha dabagalina, sinada ha u dhawaanina, ha iscaayina, haddalada xanafta leh iska ilaaliya, hadalka kiisa wanaagsan raaca, laqwigana aayar iska dhaafa.
"tuushkii xun iyo wiil yar waa la isku toosaaye"

masuuliyadda saddexlayda ah ee saaran muuminka dhabta ah ee xubinka ka noqonaya bulshada wanaagsan waa:

b. naftiisa inuu dhawro jidh ahaan, caqli ahaan iyo ruux ahaan. ka taxaddarka cuntada badan, caafimaad darrada leh ama xaaraanta ah ayuu jidhku u baahan yahay, tusaale ahaan. caqligu wuxuu u baahan yahay xogo iyo xeerar uu ugu hawlgalo fahanka nolosha iyo dhugashada cashirrada ku duugan gunta waayaha ee aan sahalka lagu helin. ruuxduna waxay u baahan tahay ilaahay in la isku xidho oo aan maaddada la isu dhiibin ee waxa ka gadaaleeya loo dhaadhaca. ilaah dhab uma oggolaan karo qofka maaddadu la weyn tahay.

"tarbiyada naftaadaa u weyn guul la tiigsado e"_afmagaaxshe.

t. qoykiisa waa inuu quudiyo, hagaajiyo oo uu ilaaliyo. waa inuu biilkooda dabbaro, salaadda iyo wanaagga faro, ilaashiimo xikmadaysanna siiyo. qallafsanaanta, kalitalisnimada, jujuubka iyo xikmad darradu way reebban yihiin halkan. masuuliyaddan iyo ta danta guudba waxaa sees u ah naxariis, kalgacayl iyo diirnax. qoyskaa waajibku ka saaran yahay waa xaaska, awlaadda iyo waalidkiisa. qaraabada iyo xididkana samafal iyo xidhiidhin wacan ayaa khasab ah.

j. danta ummadda waa inuu ka fikiro waxna ku taro, waayo qofka aan danta ummadda ka fikirini ka mid ma aha sida uu nabigu s.c.w inoo sheegay amaba aynu caqliga ku fahmi karno. marka danta ummadda laga gaabiyo nolosha oo dhan ayaa kharrib noqonaysa, waxana la arkayaa natiijooyinka ciqaabta lagu mutay caqliga la tuuray.

"nin walaalki geed ugu jiraa geesi noqon waaye"_timacadde.

ugu dambayn, adduunyadu waa dhextaal, aadmiguna wuu illowshiiyo badan yahay, qofkuna quruxda iyo dhalaalka adduunyada ayuu ku dhex habaabaa marar badan, sidaas aawadeed badiya xasuusashada geerida, qubuurahana booqda oo dadka hoyday u duceeya.

xigasho:cabdijaliil khadar