sidee dumarku wax u jeclaadaan? – Aragtida dadweynaha
sidee dumarku wax u jeclaadaan?
-----

dumarku waa noolaha alle abuuray kan u qurux badan, u xiiso badan, uguna soojiidasho badan, kaas oo ay haddana dabci ahaan rag badani ka cawdaan in yihiin xisaabta nolosha oo aysan fahmin sida ay maskaxdoodu u shaqeyso, iyo sida ay dabci ahaan u dhaqmaan ba. haddaba qoraalkan kooban waxa aynu isku deyi doonnaa bal in aynu wax ka sheegno sida dumarku wax u jeclaadaan.

caadiyan jaceylka dumarku waxa uu ragga u yahay wax helitaankiisu muhiim yahay, oo marka ay gabari ku jeceshahay, haddana ay noloshaada ku jirto waxa aad noqonaysaa qof janno heysta, oo laga dharjiyo naxariis, daryeel, ixtiraam, wanaag, dhageysi, u damqasho, ku dayasho, iyo raacitaan. arrimahaas oo dhammaantood nin walbaa u baahan yahay, maaddaama raggu iska jecel yihiin in si maqaam fiican loola dhaqmo.

haddaba sidee dumarku ragga u jeclaadaan?

mar walba oo la soo hadal qaado jaceyl dumar, waxaa khasab ah in la xuso xiise, oo ah waxa koowaad ee keena in gabari kugu waalato, walow ay xiisaha gabdhaha waxyaalo badan oo meel sare geeyaa jiraanna waxyaalaha laga siman yahay ee gabdhaha xiisahooda soojiita waxaa ka mid ah: kalsoonida, garasho badnaanta (qof mushkilad waxba xallin kara haddii loo baahdo), fahmid la’aanta (mystery), tayada nolosha (status), shidnaanta (gabdhuhu quruxdaada jireed ama labiseed waxa ay ka dhex arkayaan dadnimo iyo in aad tahay qof naftiisa wax taray oo cid kalena wax tari kara), koobnaanta (in aadan ku badbadan), qaab-jireedka (sexy) iyo in aad tahay qof sheekadiisu xiiso leedahay, oo weliba ku fiican in uu sawiro nolol dhalanteed iyo wada qurux ah oo haddii la rabo aan la gaari karin.

arrinta labaad ee awoodda weyn leh marka jaceylka dumarku ragga u qaadaan laga hadlayona waa ixtiraamka. gabadhu waa ay kugu waalanaysaa marka ay kuu aragto qof ixtiraam mudan, arrimaha ay ixtiraamkaaga ku qiimeynaysona waxaa ka mid ah, sida dumarka kale kuu arkaan, sida raggu kuu qaddariyaan, sida aad hadaf iyo yool u leedahay, sida aad qof iyada mashquulin kara u tahay, sida aad qof marka uu rabo ka tagi kara u tahay iyo sida ay u noqon karto qayb yar oo noloshaada ka mid ah; arrintan dumarku ma sheegaan, laakiin ma jirto gabar jecel in iyada hadaf iyo yool laga dhigto, gabar walbaa waxa ay rabtaa in ay noloshaada cajiibka ah iyadu dheeri ku ahaato, oo ay iyadu halgan dheer u gasho sidii ay daacadnimadaada u hanan laheyd, laakiin aadan adigu ku mashquulin iyada, tanina waa sababta gabadhu kuu jeclaanayso haddii aad tahay qof danihiisa ku mashquulsan, ayna kuu nacayso marka ay aragto adiga oo iyada ka dhigay mudantaada koowaad (priority), maaddaama ay dareemayso in aadan laheyn caqli ku filan, haddii aadan waxyaalaha mudan kala mudneysiin karin. sidoo kale si gabadhu ixtiraam jaceyl oo sarreeya kuugu heyso waa in aad wax walba uga fiican tahay, oo ay kuu aragto qof ay u ciirsato, oo aan isagu waxba uga baahneyn iyada.

arrinta saddexaad ee jaceylka dumarka saameysaana waa caaddifadda. gabadhu mar walba oo ay ku aragto, ama ku maqasho waa in shucuurteedu qasantaa, oo ay kuu aragtaa wax cajiib ah, oo ay adag tahay in isaga oo kale la helo.

qaybta ugu maraxsan uguna wacan ee jaceylka dumarka ku saabsani waa in ay leeyihiin dareemmo isbedbeddela (feelings), dareemmadaas oo ah kuwo ay curiousity badani weheliso, ayaana hadba gabadha xiisaheeda dhan u jiheeya, waxaana fiican in aad adigu tahay qof ay ka yaabto qorshayaasha iyo hawlaha nolosha ee uu ku dhex jiraa, si ay u xiiseyso in ay hadba barato qayb kaa mid ah, dhanka kale waxaa laga yaabaa gabadhu iyada oo ku jecel, oo noloshaada ku jirta in ay kuula dhaqanto habab kala duwan si ay imtixaanno kala duwan kuu mariso, maaddaama ay gabdhuhu iska jecel yihiin in ay ciyaaraan ciyaaro yaryar (little games), sida ugu wacan ee ciyaarahaas ay ciyaarayso dabin looga dhigtona waa in aad noqotid qof aysan waxba dareenkiisa iyo caaddifaddiisa ka beddelin isbeddelada yaryar ee ay gabadhu hab-dhaqankeeda ku sameyso, wax walba oo aad ka hadleysidna waa in aad uga hadashid hab caadi ah, oo laga dareemayo kalsooni iyo qaangaarnimo shucuureed (emotional maturity), adiga oo mar walba ku dedaalaya in aadan qiimeyn waxa ay gabadhu dareemayso, ee aad qiimeysid waxa ay masuuliyadda ama saxsanaantu tahay, haddiise aad ku mashquushid waxa ay dareemayso oo farxad, jaceyl, xiise, xanaaq, murugo, ama ciil ah, waxa aad ku dedaalaysaa in ay gabadhaasi sida ugu dhakhsaha badan u dhumiso xiisaha iyo jaceylka ay kuu qabto, oo ay noloshaada uga baxdo.

inta badan gabdhuhu ma jecla in ay la kulmaan waji-gabax (rejection) iyo nicitaan midna, sidaas darteed uma bareeraan in ay si toos ah u sheegtaan dareen walba oo ay kuu hayaan, laakiin qaabka ay kuula hadlaan, kuula dhaqmaan, ama jirkooda iyo muuqoodu uga falceliyo joogitaankaaga ayaa wax badan ka sheega in aad tahay qof xiisaheeda iyo jaceylkeeda heysta iyo in kale.

xigasho:ladane c xasan