arimaha bulshada – Aragtida dadweynaha
Maxaad kula talin laheyd wiil dhalinyaro ah oo qurbaha joogo misana jeclaan lahaay inuu guursado isagoo aanan wali qarash fican meel u dhigmin?
Mar haddii qurbaha aad joogto, Qarashna aadan haysan cilada ku haysato waa Xisaab la'aan. Lacagta kusoo gasho bil weliba, İyo lacagta kaa baxdo haddii aad si fiican isugu jaangoyso waxa hubaal ah in aad hadafkaagii ka miradhalin karto. Tusaale adiga oo 2000€ qaato haddii aad guri ku bixiso 700€, Cuntada korontada nolasha wadanka haddii ay kaaga baxdo 500€, Waxaa kusoo haraayo 800€ intaane waxaad ku qasbanaaneysaa in aad Somalia, Adeerkaga, hooyada, Awoowgaa in aad u dirto. Natiijo waa; Waad shaqeysaa, Waxba meel kuuma dhigmaan, Waqtina wuu kuugu socdaa.

Xalka ugu wanaagsan sidda ay ila tahay waa; Laba sano ama seddex sano indhahaa isku qabo, Nolal raqiis ah ku noolow, Keliya hadafkaaga ka dhigo After 3 years, Sanadahani lacag uun uruuri, Lacagta kaa baxeyso yeysan kaa badan 800€, Waxaa hubaal ah in aad tilaabo usoo qaadi doonto hadafkaaga ka mirahalintiisa. Alle-na hakuu fududeeyo
Guurka iigu soo carar ma aha, İ rumeyso guurka aad u dagdageyso marka aad gasho, Waxaa suurtagal ah in aad ku duceysato Allow yaa halmar kaa saaro. Guryo badan ayaa fashilmay. Guurka tiirk ugu wayn ee ku tiirsan yahay marka laga soo tago kalsoonida iyo diinta, Waa HEERKA DHAQAALAHA. Ku dadaal sidii aad dhaqaale u sameyn lahayd, Siddii aaad ganacsiyo badan u sameyn lahayd markaas adiga oo faraxsan ayaad heli kartaa gabdha aad doonto
Wll wxan ku dhahi lahaa shaqiiso si aad u guursato wyo marka gursaniso wxa wcan in aad gacantada wx ku jiran