10 qof oo si argagax leh ugu dhimatay muqdisho 27-03-24 – Aragtida dadweynaha
shilkaan ayaa ka dhacay isgoyska jubba ee magaalada muqdisho, dadka geeriyooday waxay la socdeen gaari home ah ama caasi, waxaana ka soo dul dhacay gaari xamuul ah oo siday kunteenar raashin ah. shilkaan ayaa dhacay intii loo kala cararayey afurka, wax yar ka hor salaadii maqrib.
Allaha u naxriisto dadkii ku dhintay shilkaasi, Horey ayaa loo dhahay ''Dagdag ma fiicno, Xitaa haddii Salaad iyo Cunto ay isku soo beegmaan, Ugu horeyn cuntada cun, Kadib Salaada''. Walaalyaal dagdagta iska dhaafa, Dunidu orad kuma gaareysaan
Dowladda Soomaaliya waxaa waajib ah inay tallaabooyin degdeg ah qaado si loo xaqiijiyo nabadgelyada waddooyinka. Waa in la hagaajiyo wadooyinka, la kordhiyo wacyigelinta darawalada.
Shilkaasi waa in uu nagu baraarujiyo in aan si feejigan oo masuuliyad leh u isticmaalno wadooyinka. Waa in aan iska ilaalinaa khataraha waddooyinka si aan u badbaadinno nolosha.
Aan u duceyno dadkii ku geeriyooday shilka, in İllaahay naxariistii jano ka waraabiyo, kuwa ku dhaawacmayana in uu caafimaad siiyo.