aragtida dadweynaha – Aragtida dadweynaha
madaxweynaha somaliya xasan shekh maxamud oo shalay booqasho ku tahy degmada qadimiga ah ee xarar dheere ayaa darajada ugu sareyso ee ciidamada gudonsiyo mid ka mid ah sarakisha halkaas ku sugan waana sargaalka lagu magacaabo general maalin hadaba wa wa maxay darahada sareya gaas ee lagu doonsiyay jeneralka

darajada sareeya gaas wa darajada labaad jeneralninada waxayna ka koban tahay calamaha kala xidig +seyf i+ gashaan ,wuxuna xukumi akraa sargaalka darajadas wato gaas ciidan oo ah dhier guuto oo la isku daray ama la mideeyay ama qeyb ciidan oo ah dhowr gaas la isku daray.

hadaba imisa sareeya gaas ayaa hada bueburki kadib somaliya yeelatay

somaliya burburki kadib laga so bilabo dowladi kumel gaarka eheyd abdulahi yusuf waxay somaliya yelatay sareeua gaas dhowr sargaal badankodna so qabteen xilalka ugu sareeya somaliya

part 2 next
somalia waxaa la sheega in ay dumarka ku dhiban yihiin, i̇n dhibatooyin kala duwan loo geysto, somalia ma wax ku kooban miyaa ama waa wax aduunka oo dhan ka jiro?
ma laga yaabaa in soomaaliya ay noqoto "singapoorka" ee afrika, oo ah dal leh dhaqaale xooggan oo ku salaysan ganacsiga iyo maalgashiga?
hadii lagu dhaho 4ta qof ee madaxda ah ee aduunka wasaqaysay ka saar 4 tee baad ka saari lahayd yaadna boos kooda ku buuxin lahyd ?
noloshu way socon doontaa haddii aad qososho iyo haddii aad ooydaba, naftaada haku dhibin wax ayna faa'iido kuugu jirin, ogow hada, welwelku ma qaado xanuunka berrito, laakiin wuxuu xadaa farxada maanta,
talo saarta ilahay oo ficiladada ha ku dhibin bini'aadamka
hadii qof kusiiyo sanduuq ay ku jiraan waxyaabihii kaa lumay oo dhan, waa maxay waxa ugu horeeya ee aad ka dhex raadin laheyd?
1. ha kibrin, maxaa yeelay dhulka ma jeexi kartid, buurahana kuma gaadhid dherer e.

"ragoow kibirka waa lagu kufaaye kaa ha la ogaado"_ismaaciil mire.

2. ha sheegina waxaydaan samaynaynin, alle aad ayuu u neceb yahay labawajiilayntaas, nolosha habboonna hadal laguma dhiso e.

"ma afkaad ku hawlbixi cidlaad ka harjadaysaaye"_salaan carrabay.

3. ha isxamanina waa sida walaalkaa oo aad maydkiisii cunayso e, haddiiba ay dhacdana ha u kala warramina cidda wax xamatay iyo kan la xantay, cidda sidaa samaysa ee kaladilka bulshada ka shaqaynaysaa jannadayda urin mayso e.

4. haddii aad saddex tihiin, labo yayna si gooni ah u sheekaysannin si uuna qofka saddexaad u xumaannin oo ayna caloolfayoobidu u dhimannin.
"rag kaa faqay rafiiq nimaad tihiin talo lagaa reebay
meel aan lagaa rabin indhaha lalama sii raaco"_raage.

5. marka aad guri booqataan oggolaansho waydiista dadka guriga, dabeetana salaama, haddii la idinka furi waayana iska laabta, sidaas ayaa idiin wanaagsane.
6. addoomada iyo carruurta yar yar ee aan qaangaadhin oggolaansho ha idin waydiistaan salaadda subax ka hor, markaad duhurkii dharka iska fudaydinaysaan iyo salaadda cishe ka dib, waa saddex xilli oo cawradiinnu ay bannaan tahaye, kuwa qaangaadhayna jeer walba ha idin waydiistaan oggolaansho. macnuhu waa in aadamigu khusuusiyaad leeyahay, si foolxun oo cawrooyin goor dhow la isku caayo lagu arki karana aan la isu dhex galin.
7. iscaawiya, wax bixiya, garabqabta danyarta, si loo helo bulsho isku tiirsan oo isu diirbaxda. mu'miniinta iimaanku biyo dhigay waa sida hal jidh oo kale oo haddii qaybi xanuunsato jidhka kale uu la soo jeedayo. dareenka bulshannimo dhisa, si taas loo helana isbooqda, qofka xanuunsan booqda, tacsiyaha taga, geeriyaha raaca, jimcayaasha misaajidka isugu taga, ciidaha salaadaha loo jideeyay in la kulmo oo la isnabdaadiyo, cududda bulshadana la muujiyo aada.

"waa la isku wada tiirsan yahay sida tis oodeede"_qamaan.

8. baahidiinna halka si ee aad u gudan kartaan ee ugu fayoobi waa guur, ee reero samaysta oo bulshada dhankiinna ka dhisa. carruurta aad dhashaan ku dedaala, xaasaskiinana wanaag kula dhaqma, sidoo kalena ha hilmaamina jiriddii aad ka unkanteen oo waalidkiin aad ugu wanaag sameeya, weedh xunna ha u quudhina. gaar ahaan marka ay waynaadaanna xil iska saara.

"marka horeba guur waa milgiyo maarsi kala waaye"_cabdigahayr.

9. cadhada qariya, wax cafiya, ballanta oofiya, dadka cawrooyinkooda ha dabagalina, sinada ha u dhawaanina, ha iscaayina, haddalada xanafta leh iska ilaaliya, hadalka kiisa wanaagsan raaca, laqwigana aayar iska dhaafa.
"tuushkii xun iyo wiil yar waa la isku toosaaye"

masuuliyadda saddexlayda ah ee saaran muuminka dhabta ah ee xubinka ka noqonaya bulshada wanaagsan waa:

b. naftiisa inuu dhawro jidh ahaan, caqli ahaan iyo ruux ahaan. ka taxaddarka cuntada badan, caafimaad darrada leh ama xaaraanta ah ayuu jidhku u baahan yahay, tusaale ahaan. caqligu wuxuu u baahan yahay xogo iyo xeerar uu ugu hawlgalo fahanka nolosha iyo dhugashada cashirrada ku duugan gunta waayaha ee aan sahalka lagu helin. ruuxduna waxay u baahan tahay ilaahay in la isku xidho oo aan maaddada la isu dhiibin ee waxa ka gadaaleeya loo dhaadhaca. ilaah dhab uma oggolaan karo qofka maaddadu la weyn tahay.

"tarbiyada naftaadaa u weyn guul la tiigsado e"_afmagaaxshe.

t. qoykiisa waa inuu quudiyo, hagaajiyo oo uu ilaaliyo. waa inuu biilkooda dabbaro, salaadda iyo wanaagga faro, ilaashiimo xikmadaysanna siiyo. qallafsanaanta, kalitalisnimada, jujuubka iyo xikmad darradu way reebban yihiin halkan. masuuliyaddan iyo ta danta guudba waxaa sees u ah naxariis, kalgacayl iyo diirnax. qoyskaa waajibku ka saaran yahay waa xaaska, awlaadda iyo waalidkiisa. qaraabada iyo xididkana samafal iyo xidhiidhin wacan ayaa khasab ah.

j. danta ummadda waa inuu ka fikiro waxna ku taro, waayo qofka aan danta ummadda ka fikirini ka mid ma aha sida uu nabigu s.c.w inoo sheegay amaba aynu caqliga ku fahmi karno. marka danta ummadda laga gaabiyo nolosha oo dhan ayaa kharrib noqonaysa, waxana la arkayaa natiijooyinka ciqaabta lagu mutay caqliga la tuuray.

"nin walaalki geed ugu jiraa geesi noqon waaye"_timacadde.

ugu dambayn, adduunyadu waa dhextaal, aadmiguna wuu illowshiiyo badan yahay, qofkuna quruxda iyo dhalaalka adduunyada ayuu ku dhex habaabaa marar badan, sidaas aawadeed badiya xasuusashada geerida, qubuurahana booqda oo dadka hoyday u duceeya.

xigasho:cabdijaliil khadar
sidee dumarku wax u jeclaadaan?
-----

dumarku waa noolaha alle abuuray kan u qurux badan, u xiiso badan, uguna soojiidasho badan, kaas oo ay haddana dabci ahaan rag badani ka cawdaan in yihiin xisaabta nolosha oo aysan fahmin sida ay maskaxdoodu u shaqeyso, iyo sida ay dabci ahaan u dhaqmaan ba. haddaba qoraalkan kooban waxa aynu isku deyi doonnaa bal in aynu wax ka sheegno sida dumarku wax u jeclaadaan.

caadiyan jaceylka dumarku waxa uu ragga u yahay wax helitaankiisu muhiim yahay, oo marka ay gabari ku jeceshahay, haddana ay noloshaada ku jirto waxa aad noqonaysaa qof janno heysta, oo laga dharjiyo naxariis, daryeel, ixtiraam, wanaag, dhageysi, u damqasho, ku dayasho, iyo raacitaan. arrimahaas oo dhammaantood nin walbaa u baahan yahay, maaddaama raggu iska jecel yihiin in si maqaam fiican loola dhaqmo.

haddaba sidee dumarku ragga u jeclaadaan?

mar walba oo la soo hadal qaado jaceyl dumar, waxaa khasab ah in la xuso xiise, oo ah waxa koowaad ee keena in gabari kugu waalato, walow ay xiisaha gabdhaha waxyaalo badan oo meel sare geeyaa jiraanna waxyaalaha laga siman yahay ee gabdhaha xiisahooda soojiita waxaa ka mid ah: kalsoonida, garasho badnaanta (qof mushkilad waxba xallin kara haddii loo baahdo), fahmid la’aanta (mystery), tayada nolosha (status), shidnaanta (gabdhuhu quruxdaada jireed ama labiseed waxa ay ka dhex arkayaan dadnimo iyo in aad tahay qof naftiisa wax taray oo cid kalena wax tari kara), koobnaanta (in aadan ku badbadan), qaab-jireedka (sexy) iyo in aad tahay qof sheekadiisu xiiso leedahay, oo weliba ku fiican in uu sawiro nolol dhalanteed iyo wada qurux ah oo haddii la rabo aan la gaari karin.

arrinta labaad ee awoodda weyn leh marka jaceylka dumarku ragga u qaadaan laga hadlayona waa ixtiraamka. gabadhu waa ay kugu waalanaysaa marka ay kuu aragto qof ixtiraam mudan, arrimaha ay ixtiraamkaaga ku qiimeynaysona waxaa ka mid ah, sida dumarka kale kuu arkaan, sida raggu kuu qaddariyaan, sida aad hadaf iyo yool u leedahay, sida aad qof iyada mashquulin kara u tahay, sida aad qof marka uu rabo ka tagi kara u tahay iyo sida ay u noqon karto qayb yar oo noloshaada ka mid ah; arrintan dumarku ma sheegaan, laakiin ma jirto gabar jecel in iyada hadaf iyo yool laga dhigto, gabar walbaa waxa ay rabtaa in ay noloshaada cajiibka ah iyadu dheeri ku ahaato, oo ay iyadu halgan dheer u gasho sidii ay daacadnimadaada u hanan laheyd, laakiin aadan adigu ku mashquulin iyada, tanina waa sababta gabadhu kuu jeclaanayso haddii aad tahay qof danihiisa ku mashquulsan, ayna kuu nacayso marka ay aragto adiga oo iyada ka dhigay mudantaada koowaad (priority), maaddaama ay dareemayso in aadan laheyn caqli ku filan, haddii aadan waxyaalaha mudan kala mudneysiin karin. sidoo kale si gabadhu ixtiraam jaceyl oo sarreeya kuugu heyso waa in aad wax walba uga fiican tahay, oo ay kuu aragto qof ay u ciirsato, oo aan isagu waxba uga baahneyn iyada.

arrinta saddexaad ee jaceylka dumarka saameysaana waa caaddifadda. gabadhu mar walba oo ay ku aragto, ama ku maqasho waa in shucuurteedu qasantaa, oo ay kuu aragtaa wax cajiib ah, oo ay adag tahay in isaga oo kale la helo.

qaybta ugu maraxsan uguna wacan ee jaceylka dumarka ku saabsani waa in ay leeyihiin dareemmo isbedbeddela (feelings), dareemmadaas oo ah kuwo ay curiousity badani weheliso, ayaana hadba gabadha xiisaheeda dhan u jiheeya, waxaana fiican in aad adigu tahay qof ay ka yaabto qorshayaasha iyo hawlaha nolosha ee uu ku dhex jiraa, si ay u xiiseyso in ay hadba barato qayb kaa mid ah, dhanka kale waxaa laga yaabaa gabadhu iyada oo ku jecel, oo noloshaada ku jirta in ay kuula dhaqanto habab kala duwan si ay imtixaanno kala duwan kuu mariso, maaddaama ay gabdhuhu iska jecel yihiin in ay ciyaaraan ciyaaro yaryar (little games), sida ugu wacan ee ciyaarahaas ay ciyaarayso dabin looga dhigtona waa in aad noqotid qof aysan waxba dareenkiisa iyo caaddifaddiisa ka beddelin isbeddelada yaryar ee ay gabadhu hab-dhaqankeeda ku sameyso, wax walba oo aad ka hadleysidna waa in aad uga hadashid hab caadi ah, oo laga dareemayo kalsooni iyo qaangaarnimo shucuureed (emotional maturity), adiga oo mar walba ku dedaalaya in aadan qiimeyn waxa ay gabadhu dareemayso, ee aad qiimeysid waxa ay masuuliyadda ama saxsanaantu tahay, haddiise aad ku mashquushid waxa ay dareemayso oo farxad, jaceyl, xiise, xanaaq, murugo, ama ciil ah, waxa aad ku dedaalaysaa in ay gabadhaasi sida ugu dhakhsaha badan u dhumiso xiisaha iyo jaceylka ay kuu qabto, oo ay noloshaada uga baxdo.

inta badan gabdhuhu ma jecla in ay la kulmaan waji-gabax (rejection) iyo nicitaan midna, sidaas darteed uma bareeraan in ay si toos ah u sheegtaan dareen walba oo ay kuu hayaan, laakiin qaabka ay kuula hadlaan, kuula dhaqmaan, ama jirkooda iyo muuqoodu uga falceliyo joogitaankaaga ayaa wax badan ka sheega in aad tahay qof xiisaheeda iyo jaceylkeeda heysta iyo in kale.

xigasho:ladane c xasan
wadamada kale ilmaha so qaangaro horey ka guursadan ama naago kuhelaan muslim ama gaal laakin somalida guurkii baa lagu adkeeyey dhinaca kalena diintii baa lagu wadaa sida xaqiiqadana diinta waxay na faree in guurka la fudeydiyo marka mala dhihi karaa somalida waxa heeyo waa qooq
12-kii sanno ee aad dugsiga hoose illaa sare dhiganaysay maxaad ka faa’iidday?
keliya, waxa aan xasuustaa in aan isku baranay jacaylkaygii kowaad.kkkk sidoo kale ragg qiimo badan baan ku bartay, bes.adna?
maxey tahay sababta dadka somaliyed ay gaal ugu yaqaanin qofkan aan soomin lknse ay caadi ula tahay qofka aan dukanin?.
maxaad ka aaminsantahay somalia iyo i̇ran in xiriirkoodii dib usoo noqdo, faahfaahin: soomaaliya waxaa ay iran xiriirka u jartay bishii janaayo sannadkii 2016, waxaa ayna dowlada somaliya cayrisay diblomaasiyiintii i̇ran, isla maalinkii ay soomaaliya xiriirka u jartay iran, waxay lacag $50 milyan oo dollar oo deeq ah ay ka heshay boqortooyada sacuudi carabiya. dowladda soomaaliya ayaa tallaabadaas sabab uga dhigtay “farogelinta joogtada ah ee iran ay ku hayso” arrimaha gudaha ee soomaaliya.
maxaad kula talin laheyd gabar aan hooyo hesan allah yaraxma. guurkana ka baqdo iyado isleh armaad familygaada ka fukaata aanan xariir saameyn ka fikrida in qoyskida ka fugaato ah
aragtida feminism inta aynu shiilno oo aynu hagaajino inta khaldan ee diinteena khilaafaysa ma iska saarnaa oo masoo qaadana inta saxda ee dumarkeena soomaaliyeed dulmiga iyo tacdiga ay dhaqankeenu iyo wadaaddadu ku hayaan ka saaraysa? sidii aynu dimuqraadiyadaba ka yeelnay oo kale.
english:
you get the chance to meet your future kid at age 18, what would you ask?
somaali:
hadii aad jaanis uheshid inad lakulanto carurtada mustaqbalka da'da 18ka , maxad weydin lahayd?
shilkaan ayaa ka dhacay isgoyska jubba ee magaalada muqdisho, dadka geeriyooday waxay la socdeen gaari home ah ama caasi, waxaana ka soo dul dhacay gaari xamuul ah oo siday kunteenar raashin ah. shilkaan ayaa dhacay intii loo kala cararayey afurka, wax yar ka hor salaadii maqrib.
maxay kula tahay sababta xulka qarankeenaa somalia guulo waaweyn uga gaari la'a yahay masraxyada caalamiga ah . maxaadse xalka u aragtaa ?
marka hore salaan;
waxaan aad u jcelahay inan noqdo qoraa,sida aan ku noqon lahaana ma aqaani, ila taliya bal!
Maxaad kula talin laheyd wiil dhalinyaro ah oo qurbaha joogo misana jeclaan lahaay inuu guursado isagoo aanan wali qarash fican meel u dhigmin?
Wadankeenu wadada keliya ee aynu ku xoreysan karno, Waa in aan annaga ka somalia ahaan isku tashanaa, Waa in aanan lacag iyo taageero beesha caalam iska dhaafnaa, Annaga dhexdeenii waa in aan heshiinaa. Markaas Somali isku tashatay ayaan noqoneynaaa
inkasto somalidu jeclayn qoraaal aqriska haddana madashaan wax badan ayaa laga faa'idi karaa si gaar ah, dadka kala duwan aragtidoodii, haddii si aqoon leh qof weliba aragtidiisii uu usoo qoro
aqalka looga arrimiyo ruushka ee kremlinka ayaa sheegay inuusan jawaab ka bixineyn sheegashada kooxda daacish ee ah inay ka dambeysay weerarkii dadka badan lagu laayey ee lagu qaaday hool ku yaalla moscow.

ugu yaraan 137 qof ayaa la dilay kadib markii rag hubeysan oo xiran dharka militariga ay gudaha u galeen hoolka crocus city, iyagoo toogtay dad daawanayay bandhig faneedka, ka hor inta aysan gubin dhismaha.
saameynta turkiga ee soomaaliya waa mid aad u kordheysa marba marka ka dambeysa, maxay ku dhamaan doontaa? turkeygy ma noqon karaa sidda beesha caalamka somalia oo kale?
mowduucaan si kasto ay u yaryihiin dadka iyaga oo soo jeeda wax qiimeeya, haddana sadaasha dalka somalia ee 10-ka sano ee socoto waa mid mugdi badan uu ku jiro, laakiin allaha ha inagu aadiyo dhanka khayraka inoo ah
mareykanka oo iska leh dhamaan shirkadaha ugu waaweyn dunida google, facbook, amazon etc, in uu ka qayliyo tiktok waxaa ay ku tuseysaa sidda quwada isticmaarka ay u doonayaan in aan tecknologyad laga horeyn
labada lamane midkasto waxaa uu ku eedayaa kan kale in uu furiinka sabab u yahay, laakiin dumarka maanta dagaal aanan la aqoonin oo dhexdoodii ah oo ay ku jiraan darteed waxaa uu keenayaa in gurigoodii uu burburo
Bitcoin waa lacag aan sharci ahayn waxaa loo isticmaalaa waxyaabaha sharci darrada ah, waa mid khatar oo aan la isku halayn karin.